wuxuu kudhashay 10 bishii 5 aad 1997 magaalo lagu magacaabo nova venecia
oo kutaal dowlad goboleedka sprito santo
waa magaalo kamid ah magaalooyinka ugu tuugada
iyo daroogada badan dalka brazil yaraantisii wuxuu kusoo bar baaray saxiibadiis
oo daroogo loodilay qaar badan oo kamid ahna xabsiyada loo taxaabay ayagoo 10
sano ka yar balse ani waxaan jeclaa kubada cagta wuxuu yiri maalin kasta oo
isniin ah waxaan lugayn jiray 9 km si aan u gaaro xerada aan toobabarka ku
qaadan jiray markasta waxaa talo wanaagsan isiin jiray waalidkay iyo walalahay
oo igala dardaami jiray in aana ku biirin kooxaha daraagiska ka ganacsada oo
magaladayda aad ugu badnaa, waxaan ku dayan jiray oo marwalba ahaa garbahayga
si gaar ah ii dhiiri galin jiray toba barahaygii kubada iyo taliyihii
xafadayda,
markuu 7 sano jiray waxaa kala
tagay waalidkiis oo is furay ma awoodin waalidkiis in ay school geeyaan wuxuu
lamid ahaa boqolaal ciyaal ah oo kunoolaa magalada nova venecia oo aan fursad u
helin in ay wax barasho aadaan taas badalkeedana waxay ka shaqayn jireen in ay
gawaarida dhaqaan qaar badan oo kamid ahna daroogoy ka ganac sadaan richarlison
waligiis daroogo ma iibin mana isticmaali jirin sida saxiibadiis balse taas
badalkeeda wuxuu ka shaqayn jiray shaqooyin uu nolol maalmeedkiisa ka raadsan
jiray ,
sida in uu wadooyinka mac macaan
kugadi jiray gawaarida in uu dhiqi jiray markuu jaanis helana wuxuu cayrsan
jiray riyadiisa oo ahayd in uu noqdo ninka uu manta yahay oo wuxuu jeclaa
kubada cagta habeen habeenada kamid ah aniga iyo laba saxiibaday ah oo waddo
kubad ku ciyaarayna waxaa naqabtay nin hubaysan wuxuu namoodayay kuwa daroogada
iibiya madaxa ayuuna naga saaray bastoolad uu watay balse waan u sheegnay in
aanan daroogo gadin wuuse naga diiday nasiib wanaag waanka cararnay isaguna
naguma ridin bastooladuu watay,
16 sano markuu gaaray wuxuu ku
biiray naadi xafadeed la dhoho Real noroeste sanadkii 2013-2014 hal sano markuu
u ciyaarayay waxaa xirfadiisa kahelay naadi lagu magacaabo America Mineiro oo u
soo ban dhigay in uu dhowr kulan u
ciyaaro haday xirfadiisa kahelaana ay heshiis ka saxiixan doonaan,
America Mineiro waa naadiga
kobabka ugu badan ku guulaysta state uu kasoo jeedo Richarlison 16 koob bay
qadeen halkaas waxaan ka arkay riyadaydii meshii aan ku rumayn lahaa in ay
tahay waxaan shaqayn jiray habeen iyo maalin si aan kuhelo ticket aan ku aado
naadigaas oo ka dhisanaa caasumada stateka oo ka fogaa magaaladuu ku noolaa
wuxuu yiri mar mar qaar habeen iyo maalin baana wax cuni jirin si aan u helo
lacag aan ticket ku gato markuu kamid noqday kooxdii America mineire 4 kulan
markuu u saftay waxay kaheleen xirfadiisa waxayna ka saxiixdeen heshiis waana
naadiga uu kasoo bilaabay waayihiisa kubada cagta aduunkana baray 24 kulan oo
uu u ciyaaray wuxuu dhaliyay 9 gool kuma uu raagina waxuu ku biiray sanad kadib
naadiga Fluminense 54 kulan oo uu naadigaas u ciyaaray wuxuu u dhaliyay 17 gool
sanad kadib waxaa heshiiyo u soo bandhigay naadiyo yurub ah oo ay kamid tahay
Ajax Watford balse wuxuu doortay Watford sanad kadiban wuxuu ku biiray Everton
,iyo hada oo uu joogo naadiga Tottenham,
Wuxuu sidoo kale u soo ciyaaray
u20 jirada dalkiisa wuxuu sidoo kale qarankiisa matalay Olympic lagu qabtay
Brazil sidoo kale wuxuu qarankiisa matalayay world cupkii qadar 2022 wuxuu
qarankiisa u saftay 42 kula wuxuuna u dhaliyay 20 gool walina waa nin da,yar oo
25 sano buu hada jiraa.
Ugu dambay tariikhda Richarlison
waxaan ka baran karnaa 3 qodob
1. In aad noqotid qof hami leh
hamigaasna aad maalin walba tilaabo xagiisa u qaadid
2. In aysan caqabaduhu hamigaaga kaa
hor istaagin si kastoo ay u adag yihiin
3. In fursad walba oo riyadaada kuu
rumaynaysa oo ku soo marta aadan iska dayicin bal u fiirso 4sano guduhood wuxuu
u ciyaray 4 koxood oo kala duwan waxaa la soo xiriirtay Ajax oo kamid ah
kooxaha aduunka iyo yurub ugu tariikhda iyo guulaha wayn wuxuuna doortay naadi
markaas heerka labaad kamiyid oo EPLka ka ciyaara sababtoo ah riyadiisa Meesha
uu ku rumayn karay baa halkaas ahayd wuuna rumeeyay,
Qoyskisii wuxuu
ka saaray faqrigay ku jireen qofkasta oo kamid ahna guri buu u dhisay
ciyaalkoodana wax barashuu geeyay.
Kaasi waaRicharlison.
w/ lacibtv
No comments:
Post a Comment